27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Faarax C/qaadir oo kullan xasaasi ah la qaatay siyaasiyiin ka socday Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan DF Somalia, ayaa shegayin Sii haayaha wasaarada Dastuurka Faarax C/qaadir uu kulan aan caadi aheyn la qaatay Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethiopia.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Ujeedka kulanka uu ahaa mid salka ku haayo Siyaasada cusub ay ku talaabi doonto Xukuumada Cusub, waxaana la sheegayaa in Mas’uuliyiintaasi ay warqado ku wareejiyeen Faarax C/qaadir oo isagu dadaal ugu jira sida loo qancin lahaa Dowlada Ethiopia oo xad la wadaagta Somalia.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa leysu soo hadal qaaday qaabka ay Ciidamada Ethiopia uga howlgali doonaan Gobolada Dalka, inkastoo aysan inoo suuragalin inaan faahfaahino intaa kasii badan ka helno kulanka.

Dhanka kale, kulankaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo inta badan ay Soomaalida hadal hayaan in Faarax C/qaadir uu xiligaani ka awood badan yahay Madaxweyne Xassan, taasi oo keentay in Dowlada Ethiopia oo xiriir qoto dheer la leh Faarax C/qaadir ay kala tashato aayaheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News