Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Caliyaale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa Seddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada DF Somalia.
Ciidamadaani ayaa ku geeriyooday shil gaari oo halkaasi ka dhacay, waxaana la sheegayaa in shilkaasi uu dhaawac kasoo gaaray ilaa 5-askari oo la socday Ciidanka geeriyooday.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay wateen ciidanka uu dhimashada iyo dhaawucu soo gaareen uu si lama filaan ah ula rogmaday, xilli uu ku socday xawaare sare, taasoo keentay khasaaraha askartan soo gaaray.
Ciidamadan dhimashada iyo dhaawucu ay soo kala gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa guutada sagaalaad ee ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo howl-gallo kawada qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe.
Dhanka kale, shilkaani ayaa waxa uu noqonayaa mid caado ka ah inta badan Gobolada dalka, kadib markii ay Ciidamadu walaac ka muujiyaan in wadooyinka loogalo taasi oo keentay inay xooli ku socdaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]