Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ergeyga Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa waxaa lagu sheegay in sanadka soo socda afti loo qaadayo dastuurka federaalka kadib marka la dhamaystiro dhismaha maamul goboleedyada.
Sidoo kale Nicholas Kay, ayaa waxa uu war saxaafadeedkiisa ugu hadlay sanadkani dhamaadka ah waxyaabihii qabsoomey ayuu sheegey in ciidamada AMISOM uu ahaa mid aad u mashquul badan, oo caqabada badan ay ka jireen Soomaaliya sida dhanka amaanka laakiin laba iyo toban bilood kadib in ay AMISOM la wareegtay deegaano badan, ciidamo badana loo sameeyey Soomaaliya, sidoo kale in seddex boqol oo shaqaala ah ayaa maalin walba ka shaqeeya guud ahaan Soomaaliya markii laga reebo caqabdahaasi jiro, UN ka waxaa ka go’an in ay joogto oo ay caawiso Soomaalia ilaa xad .
Dhanka kale wuxuu sheegey in wadanku ku talaabsaday hurumar dhanka siyaasada iyo ammaankaba.
“Waxaan ku faraxsan nahay in uu socdo hurumar ku aadan dhisida maamul goboleedyada tasoo ay xigi doonto wada tashiga ansixinta dastuur cusub, iyo doorashooyin loo sanadka 2016.”
“Laba sanno ee soo socoto waa waqti shaqooyin fara badan yaalaan si walba oy ahaanto AMISOM waxay u joogtaa caawin” ayuu yiri Nicholas Kay
Ma jiro kala qeybsanaan golaha ammaanka dhexdiisa ah sida loo wajahayo arrimaha Soomaaliya ayuu yiri Nicholas Kay oo sidoo kale sheegey in Soomaaliya gudaheeda ay maamulada qaarkoodna diyaar u yihiin fulinta federaalka halka kuwa kalana ay waxoogaa cabsi ah ka qabaan.
Nicholas Kay ayaa ugu dambeyntii War saxaafadeedkiisa ku sheegey in maadaama Qaramada Midoobey meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah ay kasoo qabatay hawlo dib loogu soo dhisayo dalal burburey ay qibradaasi ku caawinayaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha qabyo tirka dastuurka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho