27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

CUMAR CABDIRASHIID OO LOO DIGAY

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Cumar Cabdirashiid uga digay hal arrin oo ah in xukuumadad cusub uusan ku soo darin wasiirradii labadii xukuumadood ee ka horeysay.

Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cumar ay ka sugayaan inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh, kana karti badan kuwii ka horeeyay, isooga faray in loo bahan-yahay dad ay ka go’aan tahay isbadal uu dalku galo.

“Waxaan u jeedineynaa ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo aan ku jirin Wasiiradii labadii xukuumadood ee isaga ka horeysay, waana kula talineynaa taas” ayuu yiri Cabdi Barre Jibriil.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa sugaya ansixinta baarlamaanka, iyadoo ay hor-yaalaan caqabado badan oo ay ugu weyn tahay sidii uu mideyn lahaa golayaash dowladda ee uu saameeyay khilaafkii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Cabdirashiid ayaa la tashiyo la leh baarlamaanka si uu u helo kalsoonida baarlamaanka oo toddobaadkan gudihiisa oo la filayo in la horgeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News