27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Madaxi hore ee sirdoonka Soomaaaliya oo go’aan muhiim ah ku dhowaaqay !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad Maanta ka dhacday Hotel saxafi Magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Axmed Macalin Fiqi inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia, oo wariyayaasha kula hadlay Hotelka ayaa u sheegay inuu rajo fiican ka leeyahay inuu ku guuleysto doorashada loo geli doono xilka Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan jeclahay inaan wax badan u qabto dadkeyga Galgaduud iyo Mudug islamarkaana aan ku hogaamiyo horumar,nabad iyo amni” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Munaasabada Waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiin, culumaa’udiin, aqoonyahano iyo bulshada kale kuwaasoo ku taageeray siyaasiga qorshihiisa.

Inta badan Ugaasyada Gobolada dhexe sida Ugaas Faracade, Ugaas Maxamed Bashiir ayaa goob joog ahaa,sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Nabadoon Axmed Diiriye, Maxamed Xasan Xaad iyo kuwa kale oo ka soo wada jeeda gobolada dhexe.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado lagu doorto Maamul cusub oo uu yeesho gobolada dhexe ee Soomaaliya kaasoo ay ku mideysan yihiin maamulada hada jira ee Galmudug,Ximin iyo Xeeb iyo waliba ceelbuur State.

fiqi (10)fiqi (1)fiqi (11)fiqi (13)fiqi (14)fiqi (15)fiqi (16)fiqi (17)fiqi (2)fiqi (3)fiqi (4)fiqi (5)fiqi (6)fiqi (7)fiqi (8)fiqi (9)

- Advertisement -

Read more

Local News