25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

AXMED DIIRIYE oo farriin muhiim ah u diray R/W Cumar C/rashiid Sharma’arke

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Diiriye oo kamid ah Nabadoonada Soomaaliyeed, ayaa waxa uu fariin u diray Ra’isul wasaare CCC Sharmarke oo dhawaan la magacaabay.

Axmed Diiriye ayaa waxa uu R/W CCC ugu baaqay inuu xooga saaro Xiriirka arrimaha Dibadda, waxa uuna ku booriyay inuu il gaar ah ku eego kumanaanka Soomaalida ee ku xiran wadamada dariska la ah Somalia iyo kuwa Yurubta iyo Mareykan.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumadihii dalka soo maray ay badi gabeen kaalinta Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka dibadiisa, waxa uuna tusaale usoo qaatay Dalalka Kenya iyo South africa oo si joogta ah dhac iyo boob loogu geysto hantida muwaadiniinta.

Isaga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “CCC waa nin khibrad iyo heebadba u leh xilka uu hada hayo, waxaa looga fadhiyaa inuu badbaadiyo Kumanaanka soomaalida ee ku jira Xabsiyada, qaarna dhac iyo boob lagu hayo. waxaa laga rabaa inuu la imaado xukuumad ka duwan kuwii hore oo dhinac waliba ka dhameystiran”

Ugu dambeyntii waxa uu ku booriyay inuu xoojiyo xilka Qaran ee loo igmaday si buu yiri uu uga badbaado Khilaafkii uu xafiiska ku waayay C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News