Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka lagu wadaa in Xarunta BF Somalia uu gaaro R/W CCC Sharmaarke oo codka kalsoonida weydiisan doono Golaha Shacabka si ay usii hana qaado xukuumadiisa.
R/W CCC Sharmaarke ayaa waxaa Villa Somalia ka galbin doona Mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro hore iyo Xildhibaano kuwaasi oo taageero dhiirigalin u muujin doona Cumar C/rashiid oo isagu dhowr sano aan hortagin Baarlamaanka.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxa uu Xildhibaanada ka horjeedin doonaa Khudbad kooban islamarkaana ku saabsan howlaha ay qaban doonto Xukuumadiisa, iyadoona intaa kadib loo gudagali doono Codka kalsoonida.
Sidoo kale, waxaa Saaka xiran inta badan wadooyinka hareera mara Xarunta BF waxaana halkaasi lagu soo daadiyay Ciidamo isugu jira Militeri, Nabadsugid iyo Boolis kuwaasi oo gaadiidka faraya inay dib u laabtaan.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada ugu mashquulka badan Makka Al-mukarama ilaa Hooyooyinka, halka wadooyinka gala Xamarweyne ay iyaguna yihiin kuwa aan saaka shaqeyneynin.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in maanta uu go’aan cad kasoo baxo Xildhibaanada oo iyagu laba arrin mid kood laga sugaayo diidmo ama ogolaansho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]