Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka laga helaayo deegaanka Saaxo ee gobalka Mudug oo uu dagaal ka dhacay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka yara degan tahay sidii shalay.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Ciidamada labada dhinac ay goobahooda ku kala sugan yihiin, waxaana mar waliba suuragal ah inuu dhaco isku dhac, mana jiro dadaalo muujinaayo xalinta dagaalka.
Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadii shalay halkaasi ku dagaalamay ee Puntland iyo Galmudug ay weli is hor fadhiyaan, waxa uuna goobjoogahaasi sheegay in Ciidamadu ay isku muuqdaan jawiguna yahay mid Colaadeed.
Dadka qaar ee Saaxo degan waxa ay bilaabeen in halkaasi ay ka baxaan, iyaga oo ka baqaya in mar kale dushooda lagu dul dagaalamo.
Inta la xaqiijiyay dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 17 oo isugu jira labada dhinac, halka dhaawacana uu gaarayo 21.
Wararka ayaa sheegayay in dagaalkaan uu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulka Puntland iyo Gal-mudug in kastoo Puntland ay sheegtay in dagaalkaasi aanay wax shaqo ah ku lahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

