25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

XASAN Sh. oo oofinaya qaar ka mid ah ballamihii uu siiyey xildhibaanada BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wado qorsho uu ku qancinaayo tiro xildhibaano oo ka tirsan BF Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa la tashiyo la sameeyay qaar kamid ah Xildhibaanadii riday Xukuumadii kalsoonida weysay kuwaasi oo uu kala hadlay mowqifkiisa ku aadan dhismaha Xukuumada Cusub waxa uuna u sheegay xildhibaanadaasi in Ujeedkiisu yahay inuu xilal ka siiyo Xukuumada Cusub.

Waxa uu u sheegay inuu qorsheynaayo in xildhibaanadii uu balanta ka qaaday u magacaabi doono wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno halka qaarna uu ku buuxin doono xilal kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xildhibaano badan siiyey ballan-qaadyo intii lagu guda jiray mooshinkii xilka looga qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News