Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka CCC Sharmaarke ayaa sheegay in dhawaan laga sugaayo ku dhawaaqida Xukuumada Cusub ee la filaayo inay hanaqaado.
Waxa uu sheegay in Xukuumada cusub ay noqon doonto mid ka duwan xukuumadihii dalka soo maray isagoona balanqaaday in Haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan kaalintooda.
R/W CCC ayaa hadalkaani ka sheegay Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo uu ka qeybgalay waxa uuna sheegay in uu balan qaadayo in dalka uu gaarsiiyo hiigsiga 2016, sida uu hadalka u dhigay.
R/W CCC Sharmaarke oo aan hadal dheer ka jeedin goobta ayaa waxa uu yiri “waqtigaan Xaadirka ah ee dalka uu arayo meel Isgoys ah, waxaa loo baahan yahay 20-ka bilood ee hartay in aan gaarsinno, hadafka la hiigsanayo ee 2016, waxaan idiin balan qaadi doonaa in intaas harsan aan kusoo dhiso xukuumad tayo leh, oo dalka ka gudbisa meesha uu taagan yahay, aniga oo la tashanayo madaxweynaha, xubnaha golaha baarlamaanka, Bulshoweynta Soomaaliyeed, insha Allah gacan gaar ahna siin doonta gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo magaalada Muqdisho”
Sidoo kale, R/W CCC ayaa waxa uu Tilmaamay in Xukuumadiisu aysan shaqeyn doonin taageero la’aan iyo in garab dhan waliba uu ka helo shacbiga Soomaaliyeed waxa uuna Codsaday in wadashaqeyn loo muujiyo Xukuumada dhawaan uu soo dhisi doono.
Waxa uu shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay inay gacmaha isqabsadaan kana taliyaan sidii magaalada Muqdisho ula tartami lahayd caasimadaha caalamka ka jira.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumadiisa, iyadoo shaqooyin badan horyaalaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]