Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kacsan xaalada guud ee Xaafada Gaarisa kadib markii la helay meydka Sheekh Saddax maalin ka hor laga afduubay magaalada Gaarisa oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cali Khayr.
Meydka Sheekha ayaa waxaa lasoo dhigay deegaanka Embu, waxaana la afduubtay Khamiistii la soo dhaafay xili uu maraayay wadada Posta road ee bartamaha magaalada Gaarisa.
Xiliga uu dhacaayay Afduubka Sheekh Maxamed ayaa waxaa gacmaha looga xiray katiinado waxaana halkaasi laga saaray gaari nooca raaxada ah.
Meydka Sheekh Maxamed ayaa waxaa intaa kadib laga baadi goobay gabi ahaan Saldhigyada Booliska Kenya hayeeshee wiil isaga la dhashay ayaa waxa uu sheegay in goor dhow lagu soo wargaliyay in Meydka walaalkiisa laga helay deegaanka Embu.
Magaalada Embu ayaa aad uga fog magaalada Gaarisa oo ah halka Sheekha laga afduubay.
Dhacdadaani fool xumada badan ayaa waxa ay qalqal galisay Ganacsatada Soomaalida ee ku nool Kenya gaar ahaan kuwa deegaanka ku ah Gaarisa, waxa ayna noqoneysaa mid inta badan lagu uguursado Soomaalida iyo kuwa loo yaqaan Soomaali Sujuu oo iyagu aalaba hilib geedsaran u ah Gaangiistarada dalka Kenya gaar ahaan kuwa ugaarsada Muslimiinta oo kaliya.
Dhacdadaani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili dhawaan ay Dowlada Kenya sameysay unug kamid ah Booliska loo yaqaano argagixiso la dirarka kuwaas oo si hoose ulaaya muslimiinta looga shakiyo xagjirnimada oo ay u badan yihiin Soomaali Sujuu iyo kuwa kale ee kasoo kala jeeda Gobolada dalka Somalia oo ay sunada ka muuqato.
Telefishanka Aljazeera oo dhowr sibuuc ka hor sii daayay barnaamij ay ugu magac dareen inside Kenyan’s death squads ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Booliska qaybta argagixiso la dirirka oo qiranaya in si hoose ulaayaan muslimiinta looga shakiyo xagjirnimada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]