26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Saraakiil Kenyan oo tagay Hoosingow iyo Axmed Madoobe oo qorshe wata

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)- Wararka aan ka helayno degmada Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta degmadaasi ay tageen saraakiil ka tirsan dowlada Kenya iyo ciidamada maamulka KMG ee Jubba.

Ujeedada wafdiga uu u tagay degmada Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa lagu sheegay inay tahay in la doonayo maamulka degmadaasi lagu wareejiyo maamulka KMG ee Jubba si gudoomiyaha cusub uu ula shaqeeyo maamulka KMG ee Jubba.

Cabdulaahi Xuseen Waamo, oo kamid ah waxgaradka degmadaasi ayaa u sheegay saxaafada in wafdigaasi ay kulamo kala duwan la qaateen waxgaradka iyo maamulka cusub ee degmadaasi.

Wafdiga ayaa ka tagay degmada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ee Jubba, waxaana la sheegayaa inay ku sugnaanayeen magaalada labada maalin ee soo socota.

Taliyaha ugu sareeyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka iyo taliyaha ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen wafdiga maanta tagay degmada Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Mr Waamo, wuxuu sheegay in wafdigaasi loo xirsaaray in maamulka cusub ee degmada Hosingow ay ku xiraan maamulka Jubba, maadaama horay ay u jireen murunno la xiriira maamulkii halkaasi ka dhisnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News