25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dagaal beeleed mar kale ka dhacay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal khasaaro geystay ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Booreey oo Hoostaga Xarardheere, kaasi oo u dhexeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega.

Dagaalka ayaa bilowday duhurnimadii maanta waxaana la soo sheegayaa in ilaa caawa halkaasi laga maqlaayo Rasaas teelteel ah oo ay isu adeegsanayaan Maleeshiyaadka labadaasi beelood.

Inta la Ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 5 ruux, kuwaas oo Dhinacyadii Dagaalamay ka mid ah, sidoo kale Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inuu gaarayo 10 isla Maleyshiyaadka ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday Baraago Biyaha laga Cabo iyo Dhul Daaqsimeed, ay Beelahani Kala Boobayaan, Odayaasha Dhaqanka ayaa Maanta waxaa ay sheegeen in ay Guddi kasoo Dirayaan Xarardheere, kaasoo laga doonayo in uu Xalliyo Khilaafka Labada dhinac.

Dhanka kale, dagaal beeleedkaani ayaa ah mid labadii bilba hal mar dhaca, waxa uuna badi ka dhashaa Baraago iyo daaqsiga xoolaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News