24.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Sawirro si qarsoodi looga soo qaaday weriyayaal ku xiran Xamar oo tusaya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo wariye oo ka howlgala Idaacadaha Shabelle iyo Sky FM ayaa mudo Shan bil ah ku xeran xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo ilaa weli Maxkamadda gobolka Banaadir go’aan ka qaadan xukunkooda.

Wariye ku booqday xabsiga dhexe ee Xamar ayaa Sawirro uu kasoo qaaday ayaa muujinaayo muuqaaladooda iyo nolosha ay ku nool yihiin, waxaana labadan Wariye ay kala yihiin Maxamed Bashiir Xaashi oo ah Madaxa wararka Shabelle iyo Agaasimaha Idaacadda Sky FM Maxamuud Maxamed Carab.

15-kii bishii 8-aad ee sanadkii 2014 ayaa Wariyeyaashaan la dhigay xabsiga, xarumihii ay ka howlgalayeena albaabada loo laabay, iyadoo xiligaasi lala xiray Agaasimaha Idaacadda Shabelle Cabdimalik Yusuf iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan oo damaanad lagu sii daayay 21-kii Oktobar ee sanadkii hore.

Maalinta Isniinta ayaa la filayaa in la horkeeno maxkamada gobolka Banaadir Wariyeyaasha ku xeran xabsiga dhexe ee Xamar iyo kuwa damaanada lagu sii daayay si go’aan looga gaaro dacwada loo haysto.

Wariyeyaashaan ayaa xaalad nolol xumo ay ku haysataa xabsiga dhexe ee Xamar, waxayna codsadeen in laga sii daayo xabsiga ama go’aan ay ka gaarto maxkamadda gobolka dacwada loo haysto.wariyeyaal-xabsi-1wariyeyaal-xabsi-2wariyeyaal-xabsi-3wariyeyaal-xabsi-4wariyeyaal-xabsi-5wariyeyaal-xabsi-6

- Advertisement -

Read more

Local News