Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada daacada u ah Hogaamiyaha maamulkaasi ay falal gurcan ka geysteen meel aan sidaa uga sii fogeyn deegaanka Goobweyn.
Ciidamada ayaa lasoo warinayaa inay halkaasi ku gowraceen Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayen kuwa Barre Hiiraale, halka qaarna ay ka qaaten hub ay wateen, xili ay kusii jeeden xarunta ay ka degnaayen Goobweyn.
Wararku waxa ay sheegayaan in ragaasi ay kala dageen gaari noociisu lagu sheegay dheyno oo kusii jeeday Tuulooyin hoostaga Goobweyn, balse nasiib daro ay halkaasi kula kulmeen Ciidamo taabacsanaa Axmed Madoobe oo iyagu halkaasi dhigtay fariisimo cusub, sida ay wararku nagu soo gaarayan.
Falkaani ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, iyadoo dhawaan fal ceynkaasi ah ay Ciidamada Axmed Madoobe kula kaceen Gabar iyo Wiil oo ay qoorta ka jareen, kadibna ay ku tuureen Badda.
Dhanka kale, dadka ku nool Tuulooyinka iyo degmooyinka ka fogfog magaalada Kismaayo, ayaa iyagu si aad uga cabanaayo qaab dhaqmeedka Ciidamada Axmed Madoobe oo si kam ah dilal ugu geysta shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

