DHAGEYSO: DAD saliid ku sumoobay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in isbitaalka magaalada la dhigay ku dhawaad 20 ruux oo ku sumoobay deegaan ku yaala gobolka Nugaal.

12 ruux oo kamid ah ku dhawaad 20 ruux oo la sheegay inay ku sumoobeen deegaan lagu magacaabo Dacar oo ka tirsan gobolka Nuugaal ayaa la dhigay isbitaalka magaalada garoowe ee gobolka Nuugaal.

Dadka ayaa la sheegay inay ku sumoobeen salaad ay ku karsadeen Raashiin iyagoo ku sugnaa deegaanka Dacar oo ka tirsan gobolka Nugaal ee maamul;ka Puntland.

Xadiyo Askar Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixisay dadkaasi iyo sida ay ku sumoobeen, iyadoo sheegtay in dadka lagu tuhmayo inay ku sumoobeen saliida ay isticmaaleen.

Dr Carabeey oo kamid ah dhaqaatiirka ka howlgasha isbitaalka magaalada Garoowe ayaa dhankiisa ka hadlaya xaalada guud ee dadkaasi.

Dr Carabey, wuxuu sheegay inay soo wanaagsanaaneyso qaar kamid ah 12-ka ruux ee la dhigay isbitaalka magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com