32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xildhibaanada Daarood iyo Dir oo wada qorshe dhabar jab ku ah XASAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Dir iyo Daarood ayaa qoraal xambaarsan digniin culus u kala diraya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, iyadoo la ogeysiinayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ujeedada qoraalkan oo saxiixoodu ka socdo Muqdisho ayaa ah inaan beelahan loo xuli karin, loona doori karin wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha uga mid noqonaya Golaha wasiirada cusub, waxayna uga didayaan madaxda sare inay qortaan dad aan kalsooni ka heysan xildhibaannada labadaasi beel, isla markaasina aanay isku raacsaneyn. Waxay kaloo qoraaladooda ku caddeeyeen wixii xadgudub ah ee lagu sameeyo rabitaankooda inay ka hor jeesan doonaan.

Qoraalada oo saddexda xafiis ee ugu sareeya la gaarsiinayo ayaa waxaa si kala gaara u qoray inta badan xildhibaannada kasoo kala jeeda labadaasi beelood oo ka mida isbaheysiga kasoo horjeeda madaxweynaha ee la baxay “Golaha Badbaadinta Qaranka” oo ahaa xildhibaanadii taageeray Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed. Labadan beelood ayaa aqlabiyada ugu badan xildhibaanadooda waxay ka horjeedaan madaxweynaha iyo kooxdiisa Villa Somalia ka talisa.

Xildhibaannada kale ee beelaha Shanaad, Hawiye iyo Digil & Mirifle ee ka tirsan Isbaheysiga ayaa iyaga wada dadaal ay ku doonayaan inay qoraalo noocan oo kale ah soo saaraan.

Digniintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Ra’iisal wasaare CCC uu laalay iskana diiday liiskii xubnaha golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha, waxayna arrintu u muuqataa inay xoogeneyso mowqifka adag ee uu qaatay Ra’iisal wasaaraha.

Arrintan ayaa waxa ay caqabad xooggan ku noqon doontaa damaca madaxweynaha ee ah in xubno xeendaabkiisa ku jira uu ka dhigto wasiiro isaga un u shaqeeya, oo aan cid kale dhageysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News