28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne XASAN SH. oo ka hadlay hal qodob oo muhiim u ah DF Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somali, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay sanadkaani 2015-ka mudnaanta koowaad siin doonto la dagaalanka Musuqa iyo isla xisaabtanka.

Waxa uu Madxaweynaha Tilmaamay in taasi uu ula gun leeyahay si looga hortago lunsiga dhaqaalaha iyo ku takri falka shaqaalaha dowladda.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan in wixii xilligaan ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin musuqa iyo sidoo kale ku takri galka hantida dadweynaha, isaga oo sheegay in cid walba lala xisaabtamayo.

Sidoo kale, waxa uu Madaxwnaha farta ku goday in xukuumadda la soo dhisi doono dhawaan ay howsheeda ka billaabi doonto ka hortagga musuqa iyo ku tagri falka hantida qaranka, maadaama uu yiri Sanadkaani uu yahay la dagaalanka Musuqa baahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo hadal qaaday arinta ku aadan shaqaalaha rayidka, waxaana uu sheegay in shaqooyinka dadka loo siinayo qaab tar tan furan ah, hase ahaatee aanu jiri doonin nin jeclaysi ama wax la mid ah.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ka digay ku tagri falidda shaqaalaha dowladda, isagoo tilmaamay in awood dastuuriya ay tahay habka shaqo qorista shaqaalaha ayna ku yimaadaan tartan furan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News