32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Xasan iyo R/W CCC oo caawa Villa Somalia kula kulmay wuftiga IGAD

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxay caawa Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ay ku qaabileen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, xilli galabta ay soo gaareen Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo tiro ka mid ah Wasiirada xilalka haaya, ayaa xubnahaan waxay kula kulmeen Villa Somalia.

Madaxweynaha, ayaa kaga mahadceliyay go’aankooda ku aadan inay yimaadaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana taasi Dowladda iyo shacbiga Somaliyeedba ay uga dhigan tahay guul taariikhi ah.

Wasiirada IGAD ka socdo, ayaa waxaa la dejiyay Hotel S.Y.L oo ku yaala Madaxtooyada hoosteeda, waana halka la qorsheeyay in berrito uu ka qabsoomo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Shirkaan kii horeeyay ee IGAD ku yeelato Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu qabtay sanadkii 1985-kii, waana muddo laga jooggo 30 sanadood.

Wasiirada IGAD, ayaa kulankaan diiradda ku saari doono waxa u qabsoomay Dowladda Federalka Somalia, mudadii ay jirtay iyo hawsha kale ee la doonaayo, inay ku qabato mudada 20-ka bilood ah, ee u harsan.

SYL1 SYL3 SYL4 SYL5 SYL6 SYL7 SYL8 SYL9 SYL10

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News