28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dhageyso: Xildhibaannada: CCC ballan buu nooga baxay, anagana waan uga..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku mideysan Kutlada Badbaado Qaran ayaa faa-faahin dheeri ah ka bixiyey warsaxaafadeed ay maanta soo saareen oo digniin ku saabsan golaha wasiirada ay ugu jeediyeen madaxda saree e dalka.

Xildhibaanada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in Ra’iisul wasaaraha cusub CCC Sharmaarke uu uga baxay balan uu hore ula galay.

Xildhibaanada oo shirkooda kadib la hadlayay Warbaahinta ayaa ku hanjabay inay iyagana balanta uga bixi doonaan Xukuumada cusub madaama sida ay sheegeen iyagana balan looga baxay.

Xildhibaanada badbaado qaran
Xildhibaanada badbaado qaran

“Ra’iisul wasaaraha waxaan isku ogeyn in Wasiirada wax laga siiyo Kutlada Badbaado Qaran laakiin sida noo muuqata waa nalooga baxay anagana balanta ayaan ka baxeynaa” ayuu yiri Xildhibaan Bishaar oo la hadlayay saxaaafada

Mudanayaasha ku mideysan Kutlada Badbaado Qaran oo ah xildhibaanadii difaacayay Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sida ay sheegeen waxay kulan la qaateen Gudoomiye Jawaari halkaasna ay ka dareemeen in balanta looga baxay.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqeen Xildhibaanada inay si aad ah uga soo horjeedaan ilaaa 4 wasiir oo xukuumada cusub lagu soo dari doono taasna hadii ay dhacdo inay warbaahinta isugu yeeri doonaan halkaasna ay kaga dhawaaqi doonaan talaabada ay qaadi doonaan.

Halkan hoose ka dhageyso shirka jaraa’id

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishio
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News