30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Muxuu Salaad Cali Jeelle ka yiri shirkii GAD & Doorashada dalka ka dhaceysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan Siyaasiyiinta Magaalada Muqdisho ay siyaabo kala duwan uga hadleen Shirkii IGAD ee kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si taa lamid ah uga hadlay Salaad Cali Jeele.

Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ka mid ah xildhibaanadii Dowladii KMG aheyd ayaa sheegay in DF Somalia ay guul ka gaartay shirkii ay u qabatay Wasiirada arrimaha dibadda IGAD.

Waxa uu sheegay in Dowlada Xassan Sheekh guusha rasmiga ah ay uga xirantahay in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo codkii ah sanadka 2016 ka

Salaad Cali waxa uu intaa raaciyay in ay wax wanaagsan tahay rajada dowladda ay ka qabto in dalka doorashooyin ay ka dhacaan xiliga lagu balamay.

Sidoo kale, wuxuu Tilmaamay in arrin lagu farxo ay tahay in Somalia oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Hawada ka maqneyd xiligaana ay la jaanqaadeyso dowladaha Caalamka, isagoona Madaxweyne Xassan ku dhiiragaliyay inuu sii labajibaaro damaciisa Siyaasadeed.

Dhanka kale, Dowladaha caalamka ayuu ka dhawaajiyay in kalsooni wanaagsan ay ka heleen dalka Soomaaliya.
Shirkii IGAD ee wasiirada arimadda dibadda ayaa shalay si nabad ah kusoo gabagaboobay magaalada Muqdishu.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News