Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ka wada dowlada Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay isbitaalka xooga dalka Soomaaliya, kadib markii muran uu soo kala dhex galay ciidamdaasi.
Ciidamada ayaanan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay inay ku dagaalamaan agagaarka isbitaalka xooga dalka, laakiin waxaa la sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan uu so kala dhex galay ciidamada halkaasi ku dagaalamay.
Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen ciidamo horay ugu sugnaa isbitaalka xooga iyo ciidamo cusub oo dhawaan la geeyay isbitaalka xooga dalka Soomaaliya, waxaana dagaalka ka dib aad loo adkeeyay amaanka goobta uu dagaalka ka dhacay.
Inta la xaqiijiyay ku dhawaad shan askari ayay dhaawac soo gaareen, waxaana si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaalka maanta ee ka dhacay magaalada Mudisho.
Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa la geeyay goobta, waxaana aad loo adkeeyay amaanka iyadoo la kala dhex galay ciidamadi dagaalamay.
Ma jiro wax faahfaahin intaasi dhaafsiisan oo kasoo baxaya goobta uu dagaalka ka dhacay, waxaana dagaalka maanta uu kusoo aadayaa iyadoo shalay shir caalami ah lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

