Muqdisho (Caasimada Online) – Muumin Gariig oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in siyaasadda hadda ka dhex jirta dowladda Federaalka ay halis u tahay in dalka uu galo gacan shisheeye, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la bur buriyo dowladnimada Soomaaliya.
Siyaasigaan oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in Labada Gole ee dowladda looga baahan yahay in ay xaliyaan wax walba oo dhexdooda ah, islamarkaana siyaasad walba lala aado dhanka Dastuurka.
Muumin ayaa sheegay in hadda ay muuqato loolan siyaasadeed Laba Dhinac ah, dhinac walibana uu doonayo in dhanka kale uu ka adkaado, taas oo ku sheegay in ay keeni karto bur bur qaran.
“Marka aan qiimeeyay waxa socda, aan arkayna waxa caalamka ka socda, waxaa ii soo baxday in rag loo soo diray in lagu dumiyo mansabka dowladnimo, ka dibna aduunyadu ay dalkaan maamulaan, sidaa darteed waxii khilaaf ah Dastuurka halagu xaliyo”
Dhanka kale waxa uu sheegay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada in ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax walba oo dalka ka dhaco maadaama ay iyagu soo xuleen.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

