27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dhageyso: JAWAARI oo digniin bixiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guddiyada Cadaalada iyo arrimaha gudaha loogu baahan yahay in ay soo gudbiyaan Barnaamijyada laga doonayo ka hor bisha Febraayo.

Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka loogu baahan yahay in ay si adag u shaqeeyaan inta ka dhiman bisha Janaayo maadaama sida uu sheegay in dib loo dhigay Xeritaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shaqo badan ay hortaalo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, lana doonayo inay galaan fasax xildhibaanada ay xaqa u leeyihiin.

Labada gudi ee Cadaalada iyo arimaha gudaha ayuu ugu baaqay inay islamaanta ay shaqadooda bilaabay ayna si joogta ah u shiraan maalin kastaa, si ay usoo gudbiyaan waxyaabaha laga doonayo.

Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanada ay ogolaadeen codsi kaga yimid Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxana Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iminka horyaallo shaqooyin adag sida ansixinta hindise sharciyeedyada iyo sidoo kale ansixinta golaha wasiirada ee la soo dhisayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News