30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Waxaa lagama maarmaan ah in CC uu tixgaliyo go’aanada Xildhibaanada BF”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Xildhibaanada BF Somalia ay dhaliilo kala duwan u jeedinayeen Ra’isul wasaaraha Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah Mudanayaasha BF.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Maclow, ayaa waxa uu Mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqay inay dajiyaan xaalada kacsanaan ee ka dhalatay Xukuumadii uu kala diray Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha uu qaatay qaladaadkiisa, islamarkaana uu dib ula laabtay Xukuumadii dhalisay Buuqa, waxa uuna dhanka kale baaq u diray Ra’isul wasaaraha dalka CCC taasi oo ku aadan in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka iyo dadka wax u qabata.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isbedalka dhacay uu ahaa mid u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed maadaama wasiiradii la magacaabay ay baarlamaanka mucaarad kala kulmeen.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Maclow, ayaa carabka ku dhuftay in Ra’isul wasaare Sharmaarke uu xiligaani heysto wakhti ku filan, isagoona tilmaamay in hadda shaqsi ahaan uu rumeysan yahay in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu soo dhisi doono xukuumad Tayo leh.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Maclow oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Ra’iisul wasaaraha inuu tixgeliyo talooyinka macquulka ah ee aan horay loo tixgelin, sidoo kalena waxaan aaminsanahay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka iyo dadka wax u tarta”

Ra’isul wasaare CCC ayaa lagu wadaa in muddo kooban gudaheeda uu ku dhawaaqi doono Xukuumad cusub oo la filaayo inay kumideysnaan doonaan Xubno aan kamid aheyn wasiiradii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News