Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo shalay ku shirey Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii uu dhawaan qaatay Ra’iisul wasaaraha kaasoo ahaa inuu kala direy wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay.
Xildhibaanada oo u badan kuwa Kutlada Badbaado Qaran ayaa warbaahinta u sheegay inay aad u soo dhaweynayaan go’aanka Ra’iisul wasaaraha uu qaatay taasoo loo baahnaa, sida ay sheegeen, iyaga oona farrin u diray shacaba.
Xildhibaan Bishaar oo nala hadlay ayaa sheegay inay shacaba ugu bishaareynayaan inay hada kaddib heystaan Baarlamaan la isku haleyn karo oo danaha shacabka ka shaqeynaya.
“Shacabkeena waxaan u sheegeynaa inay heystaan xildhibaano ay isku haleyn karo kuwaasoo u taaggan badbaadinta Dalka, marnaba yaysan ka baqin in nala kala fur furo” ayuu yiri Xildhibaan Bishaar
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

