Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Magaalada Kismaayo laga hirgaliyay sameynt Taarikooyinka gaadiidka ayaa waxaa la soo warinayaa in maamulka Jubbaland uu ka leexday Sharciga iyo midabkii loo dajiyay sameynta Taarikadaasi.
Midabka Taarikada gaadiidka ee Jubbaland ayaa waxa uu midab ahaan ka duwan yahay kan u sharciyeysan DF Somalia, iyadoona ay arrintaasi weli ka hadal Wasaarada Gaadiidka cirka iyo Dhulka ee Dowlada Somalia.
Inta badan Maamulka Jubbaland ayaa aad u Khilaafa shuruucda iyo nidaamka u degsan Xukuumada Somalia, taasi oo inta badan ay dadku ku jahwareersan yihiin inkastoo DF Somalia aysan mar waliba ka hadal.
Waxaan si dhab ah loo Ogeyn go’aanka DF ee ku aadan Khilaafka Taarikada gaadiidka oo ay Khilaaftay Jubaland, waxa ayna taasi noqon kartaa mid lagu muujinaayo u dhagnuglaasho la’aanta amarada Dowlada.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

