Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horeysay 24 sano kadib waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhaceyso xaflad lagu weynaynayo xuska afka Soomaaliga oo la qoray 21 January sanadkii 1972, ahna maalintii ugu horeysay oo lasoo saaray wargeys ku baxa afka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa gudi gaar ah u xilsaaray munaasabada lagu weynaynayo maalinta afka Soomaaliga, waxaana qaban qaabadeeda ay ka socotaa magaalada Muqdisho.
C/xaaji Goobdoon, oo ah gudoomiyaha gudiga qabanqaabada xafladaasi ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin aad ugu weyn ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay heleen maalintaasi wax ay ku faani karaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay Goobdoon, in markii ugu horeysay ay tahay in la xuso maalinkii la qoray wargeyskii ugu horeeyay oo kusoo baxa afka Soomaali.
Munaasabada ayaa waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

