24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Dagaal qaraar oo weli socda, Deefoow

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi dib uga qarxay Dagaal xoogan oo u dhexeeya Laba beel oo halkaasi wada dega.

Dagaalkaani ayaa la sheegayaa inuu yahay mid qaraaran islamarkaana leysu adeegsanaayo hubka culculus, iyadoona ay wararku intaa kusii darayaan in dadka deegaanka ay barakac ku jiraan.

Wararku waxa ay soo sheegayaan in Dagaalka Saaka dib uga bilowday Degaanka Deefoow uu geystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Maleeshiyaadkii Dagaalamay,inkastoo aan weli la sheegin Khasaaraha dhabtaa.

Dagaalka ayaa daba jooga Dagaal Shalay ka dhacay Degaanada hoostaga Deefoow, iyadoona ay ku Geeriyoodeen in kabadan 20 Ruux oo u badan Maleeshiyadkii Dagaalamay.

Dhanka kale, waxan dagaalka weli ka hadal Maamulka Hiiraan iyo Odayaasha kasoo kala jeeda beelaha uu dagaalka u dhexeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News