28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xasan oo soo saaray digniin ka dhan ah qoraalada ka baxa Xafiisyada DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isaga oo ka hadlayay xuska 42 guurada kasoo wareegtey markii la qorey farta Soomaaliga ayaa sheegey in laga bilaabo maanta ay mabnuuc tahay in far aan ahayn tan Soomaaliga lagu isticmaalo xafiisyada dowladda, haddii aanan markaasi xiriir lala samaynaynin cid dibadda ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyey 4 go’aan oo kale oo kala ah

1-In Manhajka waxbarashada in dardargalin cusub lagu sameeyo , lana soo saaro manhaj mideysan oo ku qoran Afka Soomaaliga
2-In la dardargaliyo akadeemiyadda afka
3-In dib loo dhiso xarumihii aqoonta iyo taariikhda, sida madxafkii qaranka, iyo maktabadihii
4-In dib loo sameeyo astaamaha taariikhda Soomaaliyeed sida taalooyinka iyo masaajidada

Dhanka kale madaxweynaha ayaa aad ugu dheeraaday taariikhdii uu soo maray in la qoro afka Soomaaliga, dadaaladii lasoo sameeyey iyo caqabadihii ka horyihim oo uu sheegey in qabiilka uu koow ka ahaa.

“Maanta waxaan isugu nimid in aan xusno maalin weyn oo taariikh Soomaalida ku weyn, kuna weynaan doontaa haddii alle idmo, taas oo ah, ma ahan maalintii farta la qorey, haddii inta la qoro meeshii lagu qorey lagu dhaafo, meel ma ayan tagi lahayn, laakiin maalintii la yiri waa rasmi , waa luuqadda xafiisyada looga shaqeynayo , luuqadda maamulka, luuqadda waxbarashada, maalintaasaa aad iyo aad u muhiimsan, ee dadaalka farta in la qoro ah sida uu hadda guddoomiyaha ka hadlayay, muddo dheer ayay waxaan ku iraahdaayee soo socotey, illaa qarnigii labaatanaad horaantiisii sida warqadda ku cad, laakiin mushkiladda taagneyd oo muddo 70 sano , 60 sano ah, ay ka suurogali weysey in farta la qoro, sababta uu guddoomiyaha sheegayay waa qabiilka, nin kasta oo khabiir ah oo dadaala , iskuna daya in uu soo saaro ama qoro farta soomaaliga in loo nisbeeyo qabiil oo la yiraahdo waa fartii reer hebel, a freer hebel leeyahayna ma leh, waa afkan aan ku wada hadlayno oo dhamaan xuduudihii ka gudbey”

‘”Dhibaatooyinka mithaal taagan ee nool oo daliil nool oo cad ah waxay u tahay dhibaatada qabiilka uu leeyahay marka sida xun loo isticmaalo, oo maxaan ku iraahdaayee la qaab dareeyo, oo meel walboo aanan mudneyn lagu isticmaalo, la galiyo, iyadoo sidaasi maxaan ku iraahdaayee, qaab darada ah loo isticmaalayo”

“Ninka Soomaaliga ah ee khabiirka ah ee kun sagaal boqol labaatameeyadii dadaal dheeri ah inta la yimid, iyada oo waliba waagaas aan garan karno dadka Soomaaliyeed aqoontooda meesha ay la ekeyd, ee far Soomaali ah in uu qoro isku dayay, oo mid kale ka dambeeyey, mid kale kasii dambeeyey, dhamaantood waxay u dhaqangali weysey markii dambe ay keentey in trussheep-kii (daakhilayaddii) ka cabsadeen oo ay dhaheen armaa habab la’isku diriro oo colaad cusub keenta ay noqotaa ee naga daaya” Ayuu yiri Madaxweynaha

Isaga oo sii hadlayay ayuu carrabka ku dhuftey wanaagga ay leedahay dowladnimada, gaar ahaan dowlad xukunkeeda ku baahsanyahay dalka oo dhan “Dowlad adag, dalka dhan gacanta ku heyso , amarkeeda iyo awoodeeda dalka oo dhan ku baahsanyahay ayaa go’aan gaartay maalin, inta isugu yeertey dadkii luuqadaha ka shaqaynayay oo dhan, mid walbana warsatay luuqadaada maxaad ka waday, markii dambana la yiri maslaxadda Soomaaliya ku jirtaa waa tan, tanaa la qaadanayaa, dood iyo khilaaf dambe kama dhicin waa la qaatay, maanta meeshaasaan saas ku joognaa, haddii kale waligeen haddii aan jiri lahayn ee muxuu ahaayee kana hala qanciyo, kana hala qanciyo , bal kana amaa balaaya ka dhacdaa la dhihi lahaa , maantaan soo gaari lahayn qarnigii 21 aad anaga oo far qoran oo naloo yaqaano oo astaan ah oo abwaaniinta xikmadahaasi meesha ku wada yaala muhiimada farta ay leedahay ku wada tilmaameen aan lahayn yaan soo gaari lahayn”

Wuxuu sheegey in halkaasi ay ku jirto labo xikmadood oo waaweyn oo ah in qabiilka dhibaatadaasi uu leeyahay, dowladnimadana wanaagaasi leedahay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Afka Soomaaliga uu yahay ka mideeya shanta Soomaaliyeed ee isu keena, wuxuuna intaasi ku daray in xuduudihii muuqdey iska baaba’een, maalinba maalinta ka dambeysa ay sii yaraanayaan.

Labo dal ayuu afka Soomaaliga rasmi ka yahay “Waa Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Itoobiya ka jirta” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa amaanay dadaalka dowladda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u galeen soo nooleynta Afka Soomaaliga, wuxuuna kaga mahadceliyey go’aankii dowladda Jabuuti ay ku taageertey in xarunta akadeemiyadda afka ee Geeska Afrika oo dhan looga dhigayo dalka Soomaaliya, taasi oo lagu wado in la hirgaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News