28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Mareykanka oo 20 baabuurta dagaal ee aan xabada karin geynaya Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtey in 20 gaadiidka aysan miinada karin siinayaan ciidamadda nabad illaalinta Afrika ee Soomaaliya jooga ee AMISOM.

Sida uu faafiyey wargeyska Stripes, gaadiidkani ayaa waxaa horey u isticmaali jirey ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistaan.

“Gaadiidkani waxa ay muhiim u yihiin nabadgalyada ciidamada iyo in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq wanaagsan si ay hawshooda u gutaan” ayaa laga soo xigtey isaga oo leh Maj. Jeneraal Wayne Grigsby.

Gaadiidkani oo lagu magacaabo MRAPS ayaa waxa ay badalayaan kuwa kale ee lagu magacaabo Casspir ee hadda isticmaalaan AMISOM, laakiin sida uu sheegey sargaal kale oo hadlay, waxa laga yaabaa in caqabado lagala kulmo sidii shidaal loogu heli lahaa gaadiidkani cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News