Ciidamada Puntland oo weeraray culus ku qaaday Ciidamo kale (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Maamulka Puntland ayaa qorox dhicii maanta weerar adag ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayen Maleeshiyaad la sheegay inay fariisimo ku lahaayen Degaanka Cagaaran ee Gobolkaasi Mudug.

Maleeshiyaadka la weeraray ayaa la sheegayaa in halkaasi ay ku dhici jireen gaadiidka xamuulka iyo kuwa BL-da, iyadoona weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa Seddex ruux oo mid kamid ah uu ahaa Maleeshiyaadka la weeraray.

Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Gobaka Mudug Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in halkaasi ay ka qaaden jid gooyadii tiilay, isagoona sheegay in Maleeshiyaadka ay gacanta kusoo dhigeen.

Wuxuu sheegay in dadkii ku dhaawacmay iska caabinta ay kala kulmeen Maleeshiyaadka lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo Garoowe lagu dhibaateeyo dadka Musaafurkaa balse iminka wadadaasi ay tahay mid nadiif ah, islamarkaana ay dadku si nabadgalyo ah ku mari karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com