27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

“BF waxa uu sabab u noqon doonaa in Somalia ay dib ugu laabato sideedii”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin, Odayaal, waxgarad iyo aqoonyahaano ku shiray Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay Eedeeymo dusha uga tuureen Xildhibaanada BF Somalia.

Waxa ay sharcidaro ku tilmaameen qorshaha BF ugu diidan yihiin shaqsiyaad gaar ah oo iyagu tilmaamay inay ka mid noqonayaan xukuumada Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalim oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta kulanka ka qeybgalay, ayaa sheegay inay aad u dhaliilsan yihiin go’aanka ay Xildhibaanada uga soo horjeedan Wasiirada doonaayo inay kamid noqdaan Xukuumada Cusub, waxa uuna sheegay in taasi ay lamid tahay in BF uu dadaal ku bixinaayo burburka dalka Somalia.

Caalim ayaa sheegay in go’aanadaasi uu u arko mid ay wataan shaqsiyaadka gaar ah oo ku gacanseeray kamid ahaanshaha Xukuumada Cusub, waxa uuna ka digay in dalka Somalia dib loogu celsho burburkii laga soo kabsaday.

”BF waxa uu sabab u noqon doonaa Somalia oo dib ugu laabato marxaladii laga soo gudbay, waayo waxa ay u shaqeynayaan qaab aan dan ugu jirin Umadda Soomaaliyeed”

Sidoo kale, Axmed Shariif oo isagana kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed laga saaro dhibaatada iyo Dowlad la’aan soo daashatay,sidaasi ay tahay hada Baarlamaanka looga fadhin inay caqabad ku noqdaan magacaabista xukuumada cusub.

Dhanka kale, Kulankaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, ay ka horjeesten inay ansixiyaan xukuumadii dhawaan uu soo dhisay Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News