31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xasan oo codsi cajiib ah u jeediyay CC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Is mari waa uu xiligaani ka dhextaagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha dalka uu Madaxweynaha kula taliyay in Golaha wasiirada laga reebo Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Faarax C/qaadir, Sambaloolshe iyo C/kariin Guulleed, halka Xusein Cabdi Xalane lagu soo daro Wasiirada cusub.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa in Madaxweynaha uu ka codsaday inuu u madaxbaneeyo arrimaha xulashada Wasiirada maadaama goor hore ay ku fashilmeen Magacaabista, balse waxaan codsigaasi jawaab ka bixin Madaxweynaha oo u muuqdo inuu u tafa xeydanaayo inuu ka qeybqaato dhismaha Wasiirada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa dhankiisa Ra’isul wasaaraha ka codsaday in Afarta wasiir ee la diidan yahay loo kala bedelo Wasaaradaha ay hayaan, maadaama ay Xildhibaanada ka biyo diidan yihiin Afartaasi wasiir ee loo kala dhiibay Wasaaradaha ugu muhiimsan.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar, ayaa lagu wadaa in shir gaar ah ay ka yeelan doonaan maalinta Axada ee fooda nagu soo heyso qaabka loo soo xuli doono wasiirada, iyadoona halkaasi lagu kala saxiixan doono go’aanka ugu dambeeya ee lagu magacaabayo wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News