26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Xildhibaano wada qorsho xil ka qaadis loogu sameynayo xeer ilaaliyaha dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin faragalinta Xeer ilaaliyaha Qaranka uu ku hayo qaar kamid ah Howlaha Xafiisyada DF iyo Xariga Mas’uuliyiinta Dowlada ee aan cadeymaha loo heyn.

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha culeyska ku saarayaan inuu xil ka qaadis ku sameeyo Xeer ilaaliyaha guud Qaranka Axmed Cali Daahir oo ay ku eedeynayaan inuu faragalin adag ku hayo amuuraha madaxda, waxaana la soo sheegayaa inay ku andacoonayaan inuu ku faanaayo inuu awood buuxda u leeyahay xariga madaxda Qaranka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa waxa ay madaxweynaha u sheegen in Xeer ilaaliyaha guud Qaranka Axmed Cali Daahir uu isaga shaqsi ahaantiisa lunsaday Hanti qaran, iyadoona lagu eedeeyay in Safarkii uu dhawaan ku tagay Dalka Mareykanka uu isticmaalay hanti Qaran oo aan loo igman, taasina ay u baahan tahay xisaabtan.

Arrintaani ayaa ku soo aadeyso xili mudo bil gudaheeda uu Xeer ilaaliyaha Jeelka dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia, kuwaasi oo aan ilaa iyo iminka loo heyn wax cadeyn ah, balse damiin lagu siidaayay.

Dhanka kale, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu ballan ku qaaday inuu talaabo ka qaadi doono shaqsi waliba oo lagu eedeeyo Hanti qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News