Xog dheeri ah oo kasoo baxaysa qarax ka dhacay hotel caan ah, MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah oo laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka dhacay albaabka hore ee Hotelka SYL, oo ku dhow Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan qaabka dhabta ah ee uu u dhacay qaraxaan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu geystay ruux lagu soo Xiray Waxyaabaha qarxa uu isku Qarxiyay Irida Hore ee Hottelka.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu Fuliyay Qof lagu soo Xiray Walxaha Qarxa,iyadoona Ciidamada Ilaalada ay ku Amreen in uu Istaago ka hor intas uusan Qarxin.

Warar lagu Qoray Warbaahinta Turkiga ayaa lagu sheegay in Hottelka SYL ay Xiliga uu Qaraxa dhacay ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Turkiga oo Hor dhac u ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo Barri Muqdisho ku soo wajehan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa laga maqlayaa rasaas ay furayaan Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ku sugan halkaasi.

Gawaarida gurmadka deg degga, ayaa gaaray halka uu qaraxaasi ka dhacay, si ay ugu gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com