28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Yuusuf Indha-Cadde oo xildhibaanada weeraray kuna tilmaamay inay yihiin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa markii ugu horeysay ka hadlay diidmadii baarlamaanka Soomaaliya ee golahii wasiirada ee uu soo dhisay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Generaal Indha-cadde, ayaa weerar ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay inay yihiin xildhibaano isbaaro ay u taali, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay inay yihiin xildhibaano qaran dumis ah oo aan dooneynin inuu horumar gaaro dalka Soomaaliya,oo mooshin ay keenaan markii ay danahooda waayaan.

“Waxaan arkaa in qarinimadeeda la duminayo oo baarlamaanka ay kasoo horjeedaan, Cumar C/rashiid talaabo wanaagsan ayuu qaaday, laakiin baarlamaanka uu yahay isbaaro, sidaasi araadeed horumar ma doonayaan”ayuu yiri.

“Baarlamaanka ninkii iska waayo xilka wuxuu didayaa in xukuumada ay shaqeyso, sidaasi daraadeed waxaa maqleysa xildhibaano shir jaraa’id qabtay oo mucaarad iyo muxaafad kala noqonaya”ayuu yiri Indha-cadde.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan kasoo horjeestay xukuumadii uusoo dhigay Cumar C/rashiid Cali, iyadoo la diidanaa shaqsiyaad kusoo laabtay golaha wasiirada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News