Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal si wadajir ah uga soo baxay Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Mareykanka,UK iyo AMISOM ayaa lagu sheegay in beesha caalamku walaac ka muujinayso dib udhaca ku yimid hirgelinta qorshaha higsiga 2016 sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraaday.
Kulan ay 21/01/2015 la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo raysulwasaare Cumar Cabdirashiid ayay Beesha caalamku hogaanka Somalia iyo hay’adahooda dowliga ah ugu baaqeen in la hubiyo in golaha wasiirada ee la magacaabayo ay noqdaan kuwo heli kara kalsoonida Baarlamaanka si looga baaqsado dib udhac kale.
‘‘Waxaan ugu baaqaynaa madaxweynaha,raysulwasaaraha iyo baarlamaanka inay umidoobaan wanaaga guud ee dalka iyo in si dhakhsa ah ugu dhaqaaqaan magacaabista iyo ansixinta gole wasiiro si loo hirgeliyo qorshaha higsiga 2016.Dib udhac kale oo yimaada wuxuu carqalad ku noqon karaa horumarka ay Somalia ka gaadhay amniga.September 2016 waa wakhtiga ugu dambeeya ee dastuuriyan ay tahay in Somalia ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.Waa in dhamaan hay’adaha dowlada Somalia ay ku dedaalaan wadajir ku shaqaynta iyo ilaalinta danta qaranka,’’ ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya hardan adag ugu jirta sidii ay kaga gudbi lahayd cakirnaanta siyaasadeed,iyadoo dhawaan ay ahayd markii codka kalsoonida kala laabteen xukuumadii uu horkacayay ra’iisal wasaarihii hore C/wali Sheikh Axmed Max’ed kaasi oo ku baxay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

