Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Baadiyow oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka, ayaa dhaliilay qaabka ay DF Somalia xiligaani u hogaamineyso hanaanka Siyaasadeed ee dalka.
Waxa uu sheegay in DF Somalia ay lumineyso go’aankii ay ku hirgalin laheyd hiigsiga cusub iyo doorasho xor ah oo dalka ka hirgasho.
Waxa uu Baadiyow tilmaamay inaysan u muuqan wadadii ay ku dhaceysay doorashada, isagoona carabka ku dhuftay in xili hore Beesha caalamka looga baahnaa in dowlada ay kusoo hagto nidaamka suuragalin lahaa hiigsiga cusub.
Cabdiraxmaan Baadiyow oo arrintaasi si qoto dheer uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Nasiib darro dowladda hadda jirta maalinta ay bilaabatayba dariiqaasi ma aysan qaadin, waxa ay ku bilaabatay qaab aan dariiqaasi lagu gaari karin, waxaad ogtihiin Labada Sano ee lasoo dhaafay waxaan ku jirnay kanna siib kanna saar, dowlad la dhisaayo, dowlad la duminaayo, waad ogtihiin amniga meesha uu jiro inta uu la egyahay, waad ogtihiin maamul gobaleedyada iyo dhibaatooyinka ka taagan qaabka loo sameynayo iyo qaabka ay u sameysmayaan”
Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in DF Somalia aysan wakhtiga u harsan ku suuragalin karin nidaamka looga fadhiyo inay ku suuragaliso.
Cabdiraxmaan Baadiyow oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Markaan aqoonyahan ahaan u hadlayo sida ay hadda u yaalaan maba suura gelin karaan doorasho, maxaa jiro waqti ayeey iska lumiyeen, su’aasha mararka qaar keeni karta waxaa waaye, ma wax ayaysan awood u lahayn, ma rabitaan baan jirin oo ah in doorashooyin la qabto, su’aalahiisa waa kuwo la’isweydiin karo oo dadka aad shaki u gelinaaya, amaanba la rabin in 2016-ka doorashooyin dhacaan”
Ugu dambeyntii Baadiyow ayaa ka digay in DF Somalia gaar ahaan Xassan Sheekh uu wakhti dheeri ah ku darsado wakhtiga uga harsan doorashada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

