Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Afgooye eegobolka Shabeelaha Hoose ka socda qabanqaabada shirweyne lagu hishiisiinayo beelaha Habar-gidir iyo Biyo-maal oo ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose.
Qabanqaabada Xaflada ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha koofur galbeed uu kulamo kala duwan la qaaday waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac, isagoo kula kulmay magaalada Muqdisho.
Shariif Xasan iyo madaxweynaha dalka ayaa la filayaa inay tagaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qorshaha uu yahay inay furaan shirka dib u hishiisiinta labada beeleed ee ka dhacaya degmada Afgooye.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah xildhibaano dowlada ay u dirtay degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaasi uu maalmo kadib ka furmi doono degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Shirkaasi ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid lagu soo gabo-gabeynayo colaadad mudada dheer u dhaxeysay beelaha wada dega Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay xildhibaan Dalxa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

