28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Shir ka dhan ah AXMED MADOOBE oo furmaya iyo qorshahiisa (DHAGEYSO)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – Sida ay ku dhawaaqeen gudiga shirka Midnimo 2, waxaa degmada Garbahaarey ka furmayo shir ay ka qeyb galayaan ergo ka kala tageyso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sheikh C/kariin Ibraahim, gudoomiyaha gudiga  shirka degmada Garbahaarey ayaa sheegay in shirkaasi uu ka furmayo Garbahaarey maalinta berito ah, uuna ka duwan yahay shirkii ka horeeyay.

Wuxuu sheegay in shirkaasi lagula xisaabtamayo maamulka Axmed Madoobe oo uu sheegay in dhibaatooyin badan uu u geysto beel gaar ah oo ku nool deegaanada uu maamulkaasi ka taliyo, sida uu hadalka u yiri.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu casuumay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News