Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saakay degan guud ahaan Jawiga Magaalada muqdisho ee Caasimada dalka Somalia, iyadoona la hakiyay dhamaan isu socodka BL-da iyo dadweynaha.
Waxaa maalintii Afaraad xiran wadooyinka, iyadoo dadka reer Muqdisho ay yihiin kuwa lugeynaya oo cagtooda maalaya, halka wadooyinka qaar ee mara xaafadaha aysan suuragal aheyn inaad marto.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa la garwaaxsan qoryaha Ak47, waxa ayna dadka ku amrayaan inay ka noqdaan wadooyinka qaar oo xitaa ay diidayaan lugta.
Xirnaanshaha wadooyinka ayaa kasoo bilaabatay Maalintii Khamiista, maanta oo Axad ahna waa ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada.
Dhanka kale, Bulshada magaalada Muqdisho ayaa is weydiinaaya Ujeedka Afarmaalin loo xiray wadooyinka xili ay DF Somalia ogtahay inay jiraan goobo shaqo iyo waxbarasho oo xiran.
Waxaa saacadaha soo socda magaalada Muqdisho soo gaari doona Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com