32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

FAALLO: JAWAARI jago kale ka raadso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jawiga uu ku sugan barlamaanka maanta waa mid laga duceysto oo Ilaahey laga megen galo inuu taladeyna u dhiibin kuwa noogu xun. Guuddoomiye Jawaari bal xassuso xikmaddii carabiga ahayd :

لاتكن متواضعا امام المتكبرين  ولامتكبرا أمام االمتواضعين

Waxaad ku soo beegantay koox kibir badan laakin nasiib darrada ku heysata waxay tahay inaadan weli garan sida loola dhaqmo dadka barlamaanka ku jira, waxaadna u baahan tahay inaad saxdo hab dhaqankaaga si aad uga badbaaddo khatarta soo socota. Talyanigu iyo Cartabiga waxay isku waafaqsan yihiin in  Kibirku waa calaamatul jahli.

sababta aan kuu leeyahay raadso jago kale waxay tahay iyadoo dadka aad hogaamiyaha u tahay aysan ahayn waxa la moodo ama ay iyagu ismoodaan… mana lahan dhaqan dad caadi ah oo aqoon lagu hogaamin karo, waa dad aan ictiraafsaneyn inay jirto kala dambeyn iyo is-xushmeyn balse waa dad uu hogaankooda  qaban karo qof iyaga oo kale ah oo wax ka xaaraan ah aysan jirin, danta dadka iyo dalka aan agtooda qiima ka lahayn waxayna ku sifoobeen اذا كرمت الكريم ملكته ؤاذا كرمت اللئيم تمرد

Waa dadka rabshadi aad ogeyd sameeyay oo fadhiyadi barlamaanka si anshax xumo ah bannaday tiro sedaxd jeer ah iyagoo u daneynaya qof shakhsi ah oo ahaa R/W  Cabdiweli Xiirane..wax tallaabo ah oo sharciga waafaqsanna aadan ka qaadin adigoo awood buuxda u lahaa!!!  Taasina doqonku wuxuu u arkaa daciifnimo dhankaagaa!!!

Barlamaanki kan ka horreeyay wuxuu ka koobnaa 500 xildhibaan oo uu hogaamiye u ahaa Shariif Xasan, waxayna ahaayeen dad siyaasiyiin ah oo ka biseyl badan kuwa maanta meesha fadhiya.  Shariif Xasan, marki la iska hor yimid,wuxuu u dhaqmay sidi nin golaha isagu leeyahay oo kale.  Waa ninkii  barlamaanka  xirtay furihina jeebkiisa ku ritay, markuu u baahdana isugu yeeri jiray kooxda uu wato, marka kalena iska illaaba jiritaankooda.  Badankoodu waxay ahaayeen dad aqoon leh oo ku yimid meesha halgan ay soo galeen kumana jirin qof qabiil keenay ama oday dhaqameed.

Xildhibaanada maanta waxaa lagu qiyaasay in boqolkiiba toddobaatan iyo shan ay yihiin dad ka hooseeya mustawaha looga baahan yahay waana kuwo ka arradan shucuur wadaninnimo.  Waa dad diyaar u ah inay dalka iibiyaan kuna xarragooda inay ajnabi u adeegaan iyagoo dowladda dalka ka talisana ku tilmaama ururo diineed xagjir ah sida Damul Jadiid, Islaax iyo qaar kale, taasoo ay uga gon leeyihiin inay u tusiyaan reer galbeedka ama kuwa lagu magacaabo Beesha Caalamka dad hagjir ah oo laga filaayo inay cariiri geliyaan dowladda dalka ka talisa aakIrkana ay ridaan.  Beesha Caalamka ay isku halleynayaan waa tiro safiiro ah oo fadhigoodu yahay Nairobi kana ganacsada danaha Somaliya, wax awood ahna aan dalka ku lahaan karin haddii  la helo hogaan isku kalsoon oo Ilaahey tala saarta.

Kuwa dhaliilaya dowladda waa kuwo xildhibaanno ku-sheeg-ah oon xataa mudneyn inay Golaha Shacabka ka soo ag-dhawaadaan…waxaase u suurta gelisay debecsanaanta Cumar Cabdirashiid oo muddo seddax jeer ah soo gudbiyay seddax liis oo Wasiiro ah oon wax xiriir ka dhexeyn, kuwaasoo marna aan la horgeynin barlamaanka si loo ogaado dhaliisha iyo waxa lagu saluugsan yahay haddey jirto cid sheegi karta.  R/Wasaare Cumar wuxuu talada ka qaata waxa ku soo baxa websiteyada Somalida qaarkood oon la ogeyn meesha ay wararka ka keenaan !!!

Waxaa la yiri SHEYDAAN AYAA HOOYADII DHARBAXAY MARKAASAA LA YAAABAY…..JAWAABTI WAXAY NAQAATAY SHEYDAAN NIN HABARTIIS DHARBAAXA WAA YAHAY..HABARTI  SHEYDAAN  DHASHAYNA  WAX LA DHARBAAXO WAA TAHAY…nin walbow sidaa doonto u fasiro!!!

Waxaa dad badan isweydiinayaan war dalkaanu ma leeyahay dowlad daafacda?  Daaficiddu ma ahan xagga ciidamada oo kaliya ee waa mid la rabo inay dalka laga ilaaliyo gefafka iyo meel-ka-dhacyada ay geysanayaan dad xilal diplomaasi ah loo soo dhiibay oo u dhaqmaaya si ay dalka iyagu ka taliyaan, cid u jawaabi kartana kuma jirto dowladda maanta dalka ka dhisan. Nin lagu magacaabo M.Cabdi Afey oo ah faashil ay soo tuureen reer NFD ayaa maanta Somaliya arrimaheeda  gaarka ah ka hadlaya ama talo iyo tusaalooyin ka bixinaya  isagoo huwan xil wakiilnimo IGAD waa doqonnimo annaga naga timid..madaxda dowladdana aysan awood u lahayn inay helaan qof u jawaabta Afey kuna sheega waxa uu yahay IGADna ogeysiiya inuu yahay qof aan loo oggoleyn Somaliya waxaana la yiraahdaa ”persona non garata”.

Madaxda ugu sarreysa dowladda waxaad moodaa inay illawsan yihiin awooda dustuureiga ah ay u leeyihiin maamulka dalka…waryaa kula taliya inaysan u dhaqmin sidi dad xilkalka ay hayaan soo xaday oo la dhuumanaya!!! 

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News