DOOROSHOOYINKA SOOMAALIA 2016
PUNTLAND (SSDF), JUBBALAND (RAASKAMBOONI) IYO MAAMULKA KOONFURGALBEED (RRA) AGAINST USC (HAWIYE MAAMUL LAAWE)
Hawiye oo mar ahaa qabaailka ugu xooga weynaa qabaailada Soomaaliyeed ayay hadda soo wajahday cabsi iyo walwal kadib markii ay dareemeen in la go’doomiyay. Hawiye oo mabda’iyan aaminsan dowlad dhexe ayaa hadda ku soo baraarugay saameynta nidaamka federaalka ee waddanka laga hirgalinayo.
Tan iyo intii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, Hawiye wuxuu ku mashquulsanaa dagaal macno daro ah, daarodhisid iyo lacag aruursi halka qabaailada kale ay dajisteen istaraatajiyad fog oo ay ku hormarinayaan dadkooda iyo degaanadooda iyo sidii ay dib ugu soo muuqaan lahaayeen hogaanka dalka una kala jabin lahaayeen Hawiye si ay uga faaiideystaan kala qeybsanaantooda. Taas waa lagu guuleystay oo maantay ma jiro Hawiye is aamina oo wax wada qabsada.
Hadalheynta ugu badan maalmahan magaalada Muqdisho waxay aheyd imaatiinka saddexda Madaxweyne Maamul goboleed oo ay dad badan ku macneeyeen in ay tahay dhoolatus awoodeed.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfurgalbeed waxay mudan yihiin amaan sida ay ugu soo halgameen in ay degaanadooda ka sameeyaan nadaam iyo horumar la taaban karo. Soomaali waxay tiraahdaa ‘’Ninkii seexdaa saciis dibi dhalay’’.
Ma ahan horumarka walaalkaa suubiyay in laga xumaado ee waa lagu faanaa laguna daydaa. Soomaali waxay wax ku wada gaari kartaa waa midnimo iyo isku tanaasul.
W/Q: Said Hassan (Careys)
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

