25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

R/W CC Sharmaarke oo kulan la qaatay Xildhibaannada ugu tunka weyn BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu maanta la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada BF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in R/W CC uu Xildhibaanada u qaabilaayo qaab beel beel, si uu kalsooni uga hele kulanka soo socda ee Wasiirada la horgeyn doono BF Somalia.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Somalia uu Xildhibaanada kala tashanaayo qabkii loo gudbin lahaa Wasiirada Magacaaban iyo kuwa dhiman ee uu soo Magacaabayo, waxa uuna sidoo kale si gaar gaar ah ula kulmi doona Odayaasha Beelaha si ay u taageeraan qaab dhismeedka Xukuumada uu R/W CC soo dhisaayo.

Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa wareegaani kalsooni ku qaba in Xildhibaanada BF Somalia ansixin doonaan Wasiirada Cusub waxa uuna hadda wadaa kulamo gaar gaar ah oo si xooli uga socda Xafiiskiisa ku yaala Villa Somalia.

Dhanka kale, kulamada R/W CC ayaa kusoo beegmayo xili BF ay si weyn uga soo horjeedan wasiirada uu soo magacaabay Cumar Cabdirashiid,iyadoona aan la ogeyn sida ay Codka u siinayaan xiliga Baarlamaanka la horgeeyo Xukumadda Cusub.

R/W CC ayaa Baarlamaanka 31-Bishii hore ka dalbaday in la siiyo Mudo 10 Maalin ah oo uu ku soo dhameystiro Barnaamijka Xukumadda,waxaana hada u harsan mudo 6-maalin ah Waqtigii uu qabsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News