25.9 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Axmed Madoobe iyo Cabdi Weli GAAS oo soo gaaray magaalada MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay laba diyaarad oo kala waday Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas.

Labada Madaxweyne ee kala ah Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsanaa DF Somalia oo isugu jira Wasiiro ku-xigeeno iyo Xildhibaano, iyagoona u galbiyay dhanka Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia uu xiligaasi diyaar ugu ahaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas, ayaa waxaa Casuumay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, si uu kala arrinsado Siyaasada dalka iyo Tan Xukuumada cusub, waxaana sidoo kale, la filayaa inay ka wada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin Hiigsiga 2016-ka.

Labada Madaxweyne iyo Shariif Xassan oo dhinac ah ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho joogi doonaan muddo labo cisho ah, waxa ayna kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Qaranka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegayaa inay u yeertay Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada dalka si loogala tashada marxalada siyaasadeed ee xilligaan uu dalka maraayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News