25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Xilkii xildhibaan Xaabsade oo QOYSKA un dib loogu soo celiyey (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya ee Allaha unaxariistee Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade, ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa loo dhaariyay oo booskaasi la wareegay wiil uu dhalay Xildhibaanka geeriyooday.

Kulan ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo Xildhibaanada ay uga doodayeen sharciga Doorashooyinka, dalka ayaa lagu dhaariyay Xildhibaankaan cusub.

Waxaa lagu magacaabaa Xildhibaanka cusub Xildhibaan C/wali Maxamed Ibraahin Xaabsade, waa wiil uu dhalay Xildhibaan Xaabsade oo Bishii lasoo dhaafay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shaacir oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaariyay Xildhibaanka cusub, xilli madasha uu ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kuraasta Baarlamaanka ayaa u qaybsan hab beeleed, Xildhibaan kasta oo geeriyooda ayaa waxaa lagu bedelaa wiil uu dhalay ama qof la dhashay si xubinamadii beeshaasi aysan meesha uga bixin.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intii uu kulankooda socday waxa ay codsi udireen Dowladda Mareykanka, codsigaasi oo ku aadan inaan la xirin Akoonada Xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin Bangiyada ku yaalo dalka Mareykanka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka hadlay fasaxa ay dhawaan geli doonaan iyo arimo kale oo ku aadan shaqooyinka horyaala sidii loo dar-dargelin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News