26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

IGAD oo war ka soo saartay Midowgii siyaasadeed ee DF & M/goboleedyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay warmurtiyeedkii Madaxda Dalka 6 dii bishan ka soo saareen magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Ururgoboleedka IGAD ee magaalada Addis-Ababa, ayaa lagu yiri:

“IGAD waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweyneysaa go’aamadii ka soo baxay kulankii magaalada Muqdisho 4-6dii bishan ku dhex maray madaxda Dowlada federaalka iyo Dowladaha xibnaha ka ah.

Waxaan si aad ah u dhiiri gelineynaa aasaaska golaha wadatashiga Doladda feraalka iyo dowladaha xibnaha ka ah, kaasoo looga gol’leeyahay wadashaqeyn buuxda iyo iskaashi dhinacyada siyaasadda iyo amniga dalka, si loo xaqiijiyo hiigsiga 2016.

Waxaan rumeysan’nahay in golahan gogol’xaar u yahay howl wanaagsan iyo wax qabad muuqda oo la taaban karo, kaasoo wax badan ka tari doona dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, sidoo kale isku dhafka ciidamada qaranka, horumarinta hanaanka amini ee dalka, dib u eegista dastuurka, iyo weliba taabagelinta cahdiga cusub ama New Deal-ka.

Waxaan balan qaadeynaa inaan garab’taaganahay aragtidan iyo horumarkan muhiimka ah, waxaanan balan qaadeynaa inaan si buuxda ula sheqeyn doono golahan, (Madasha wadatashiga madaxda dalka), sidoo kale gudiga amniga qaranka, marka la aas’aaso

Waxaan isha ku haynaa oo aan rajeyneynaa in si deg’deg ah loo soo gabagabeeyo dhismaha golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News