Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kulan dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Axmed iyo Madoobe Nuunow oo horay u sheegtay Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee Somalia uu ku idlaaday rajo xumi.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madoobe Nuunow inta uu kulankaasi socday uu Madaxweyne Shariif Xasan kusoo qaaday balamihii hore ee ahaa inuu ka dhexmuuqan doono Xukuumada Maamulka Koofur Galbeed, waxaana arrintaasi iyo arrimo kale oo khuseeyay Madoobe Nuunow ka cudur daartay Shariif Xassan oo isagu sheegay inay dhamaatay wakhtigii arrintaasi ay taagneyd.
Shariif Xassan ayaa Madoobe Nuunow u sheegay in xiligaani uusan xil u heyn, isagoona ku andacooday in dhamaan xilalka maamulkiisa ay yihiin kuwa buuxa.
Intaa kadib Madoobe Nuunow oo aad uga careysnaa balamaha uu ku guuldareestay, ayaa la soo warinayaa inuu ku goodiyay inuu caqabad ku noqon doono Maamulka Lixda Gobol, islamarkaana uu maamulka Caqabadaasi ka dareemi doono gudaha iyo daafaha deegaanada uu Maamulka ka arimiyo.
Waxaa la sheegayaa inuu ku wargaliyay in Magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeendaaba ay weli ku jirto gacantii, taasina ay carqalad ku tahay Hanaanka Siyaasadeed ee maamulka.
Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Madoobe Nuunow uu iminka Magaalada Baydhabo kawado dhismaha Ururo Siyaasadeed oo lid ku ah Hanaanka Maamulka, waxaana la soo warinayaa in arrintaasi uu ka gaashamanaayo Madaxweynaha Maamulkaasi.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad kala taageersan Shariif Xassan iyo Madoobe Nuunow kuwaasi oo u abaabulan habqabiil, ayaa waxaa suuragal ah xili waliba inuu dhexmaro iska hor imaad.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

