26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Dhageyso: Fanaanadda Hibo Nuura oo xalay ku dhowaaqday GO’AAN weyn !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Hobolada weyn ee Somaliyeed Hiba Maxamed Hudoon (Hiba Nuura), ayaa waxay xalay shaacisay inay joojisay Muusika, ka dib muddo 48 sano ah oo ay ku soo jirtay.

Hiba Maxamed Hudoon waxay fanka ku soo biirtay sanadka 1967-kii, mudadaasina ay ku kasbatay taageerayaal fara badan, iyadoo qaaday heeso fara badan oo ay ugu muhiimsan yihiin heesaha wadaniga, oo markaasi ay Somalidu ku dhiira-gelineysay.

Hobolada, ayaa sheegtay in Culimada Somaliyeed aynaan wax dhibaato leh u arag Suugaanta, ha yeeshee waxa ay ka diggayaan ay yihiin heesaha la saaray muusikada.

Haddii aynaan wax dhibaato lahayn Suugaanta, ayay sheegtay inay sii wadi doonto Suugaanteeda Wadaniga ah (Bilaa muusik), iyadoo markaasi ku muujineyso waajibaadka ka saaran dalka, dadka iyo diintaba, sida ay tiri.

Hobolada oo hadda ku nool Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee cariga Mareykanka, ayaa waxay sheegtay in muddo fogba ay ku soo taameysay inay isaga fariisato fanka, laakiin uu iminka Alle waafajiyay.

Hiba Nuura oo la hadashay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa waxay codsatay inaan la dhageysan heesihii ay horey u qaaday, bacdamaa ay Alle dartii uga baxday fanka, sida ay tiri.

Hiba Nuura, ayaa waxay ka mid ahayd hablaha Somaliyeed ee fankoodu la jecelyahay, iyadoona heeso fara badan oo talantaali ah la soo qaaday Fanaaniintii waaweyned ee Somaliyeed.

Halkan ka dhageyso Hibo Nuura

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News